Muuse Biixi wuxuu runta ka sheegay qadiyada deegaanada SSC, Isxambaarada deegaanadaas ka soo jeedana waa u quus gooyay!!! Muuse Biixi wuxuu hadalkiisa runta ugaga sheegay shacabka Somaliland qadiyada deegaanad SSC, wuxuu sheegay in aanay jirin wax ay isku raacsan yihiin shacabka deegaanadaa SSC iyo Somaliland, iyo in aanay deegaanadaas wax cod bixin ah weligeed ka dhicin, bal uu maamulka Somaliland ku been abuurto!! Wuxuu u quus gooyay Isxambaarada deegaanadaas ka soo jeeda, ee maamulka Somaliland ku jira, wuxuu cadayay in aanay metelin deegaanadaa, oo aanu shacabkeedu soo dirsan! Hadalkiisu wuxuu daboolka ka qaadayaa oo beeninayaa wax badan oo deegaanadaas ku saabsan, oo uu maamulka Somaliland ka been sheegi jiray!!!